Ciidanka DF oo la wareegay Deegaano cusub kuna dilay xubno katirsan Al Shabaab (Sawirro)

Ciidanka milatariga dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka, ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgalo qorsheesan ka sameeyay deegaano dhoor ah oo katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe .

Howlgalka inta ay wadeen ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay kula wareegeen deegaano dhoor ah oo horey u joogeen Al Shabaab, kuwaa oo ay kamid yihiin Warciise, Gaaleef, Qoorsheere, Jilable.

Deegaanadan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka kala wareegeen Al Shabaab ayaa hoostaga degmooyinka Jowhar iyo Raagaceele ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxa ayna saraakiisha ciidanka sheegeen in howlgalka wali ka socdo deegaanadaasi.

G/le dhexe Dayac Cabdi Cadulle Taliyaha Guutad 17-aad ee kumaandooska Xds Gorgor, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ciidanka dowladda la wareegeen deegaano dhoor ah, waxa uuna xusay in ciidanka dileen ilaa toban xubnood oo katirsan Al Shabaab.

Waxa uu sheegay taliyaha in howlgalka wali ka socdo deegaano kale oo lagu tuhmayo kooxad Al Shabaab, waxa uuna cadeeyay in ciidanka huwanta ah sii wadayaan howlgalo Al Shabaab looga saarayo guud ahaan gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay Al Shabaab ka saaray deegaano dhoor ah , waxaana deegaanadaasi badankood hoos tagaan degmada Balcad .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -