Allbanaadir.com
NEWS

Buundadii shalay Al Shabaab qarxiyeen oo durba dhismo lagu bilaabay (Sawirro)

Buundada degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan ayaa shalay qeyb kamid ah qarax lagu burburiyay , waxaana qaraxaasi oo dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac sidoo kale sababtay in buundada gaadiidkii mari jiray hakadaan.

Maamulka degmada Buulaburte ayaa durba saakay bilaabay dib u dhis lagu sameenayo buundada qaraxa bur buriyay, waxaana halkaasi ka socda dib u dhis balaaran oo lagu sameenayo buundada.

Gaadiidkii isticmaali jiray buundada oo isku xirta labada dhinac ee magaalada ayaa saakay hakad ku jira, waxaana ciidamada ammaanka si weyn u adkeenayaan ammaanka buundada iyo guud ahaan magaalada.

Magaalada Baledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale laga dareemayaa cabsi la xariirta in qarax lagu bur buriyo buundada, waxa ayna ciidamada amniga saakay si weyn u baarayaan gaadiidka buundada isticmaalaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Antony Blinken oo booqasho xasaasi ah ku tagay Magaalada Beijing (Sawirro)

Caydiid Ali

Shir deg deg ah oo laga yeelanayo hubka culus uu Ruushka ku tijaabiyay Ukraine

Cabdi Cade

Kiisaskii ugu horeeyey Coronavirus oo laga helay magaalada Kismaayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---