War laga soo saaray shir u socday Wasiiradda Waxbarashada DF iyo kuwa maamulada (Sawirro)

Shir magaalada Muqdisho uga socday wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ka jira oo soconayay intii u dhaxeeysay 16-18 bishan ayaa laga soo saaray war-murtiyeed.

Shirkan ayaa looga arrinsanayay sidii wada shaqeyn dhaw u yeelan lahaayeen wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada iyo sidii loo dejin lahaa qorshayaal wada shaqeyn.

War-murtiyeedka laga soo saaray gabogabada shirka ayeyna usku raaceen wasaarada waxbarashada Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada in la qabto shir weyne dib u jiheynta waxbarashada Soomaaliya.

Halkan ka Akhriso War-murtiyeedka shirka kasoo baxay

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -