Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wiilka uu dhalay Madaxweyne Musaveni oo ku gacan seyray amarkii uu siiyey aabihiis

Wiilka uu dhalay Madaxweynaha Uganda, Jan Muhoozi Kainerugaba, ayaa ka hor yimid amarkii aabihiis ee aha inuu joojiyo qoraalada uu soo dhigo Twitterka ee muranka badan dhaliya

Jan Muhoozi oo mar kalr qoraal soo dhigay barta Twitterka ayaa sheegay in cidna aanay waxba ka mamnuuci Karin.

Amarka Madaxweynaha ayaa yimid kaddib markii farriimo uu Jan Kainerugaba soo dhigay Twitterka laba todobaad kahor ay muran badan dhaliyeen, kuwaasoo uu ku gooddiyay inuu duullaan ku geli doono waddanka dalkiisa dariska la ah ee Kenya, arrintaas oo horseedday raalli-gelin cad iyo kulamo diblumaasiyadeed si loo adkeeyo xiriirka ka dhaxeeya labadan dal.

Musaveni ayaa sheegay in janaraalka ay tahay inuu aad uga taxadaro “ka hadalka dalalka kale iyo siyaasadaha axsaabta ee Uganda” marka uu Twitterka wax soo dhigayo.

Hasayeeshee jawaab uu bixiyay saacado kaddib, ayuu Janaraal Kainerugaba waxa uu warkaas ku tilmaanay inuu kaftan iska ahaa.

Gen Kainerugaba ayaa lagu yaqaan inuu bartiisa Twitterka soo dhigo farriimo ay su’aalo badan ka dhashaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Weerar dad badan lagu dilay oo lagu qaaday Kaniisad kutaala Quetta 

admin

Musharax Madaxweyne oo ku guuleystay doorasho ka dhacday Magaalada Jowhar

Caydiid Ali

Wasiir Fiqi & taliyeyaal ciidan oo la hadlay Maleeshiyaad loo diyaariyey dagaalka Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---