Allbanaadir.com
GALMUDUGMUQDISHONEWS

Wasiir Fiqi & taliyeyaal ciidan oo la hadlay Maleeshiyaad loo diyaariyey dagaalka Al-Shabaab (Sawirro)

Wasiirka Amniga Dowlad goboleedka Galmudug Axmed M. Fiqi iyo Saraakiil uu hoggaaminayey oo ay ka mid ahaayeen taliyaha Qeybta 21aad ee ciidanka XDS S/Guuto Khooje, taliyaha ciidamada Booliska Galmudug S/guuto Bishaar, taliyaha ciidamada Danab ee ku sugan Galmudug G/lle Mukhtaar iyo saraakiil kale ayaa maanta booqasho ku tagay jiidda hore gaar ahaan aagga Tara-Guduud, Beer Cabdi Faarax, Galo, Faragoo, Beer Liiban Galle, Hog dugaag iyo Higlaale, waxaana lagu soo afjaray booqashadaas magaalada Gadoon oo bulshada lagula kulmay.

Deeganadaas ayaa waxaa waayadan ka socday abaabul ay wadaan bulshada ku nool halkaas kaasoo looga soo horjeedo Al-shabaab.

Wasiirka iyo taliyaasha ayaa jiidda hore kula hadlay dhallinyaro hubaysan oo ka dhiidhiyey dhibaatooyin la sheegay in Al-shabaab ay ku hayaan deeganadooda.

Ciidankan oo loo yaqaan macawislayda ah ayaa ballanqaaday In ay al-shabaab ka nadiifin doonaan deegaanada ay ku sugan yihiin, waxaana wasiirka iyo saraakiisha ay bogaadiyeen dadaalka iyo naf-hurnimada dhallinyarada macawislayda ah wadaan, waxayna dhankooda ballanqaadeen Inay taageero buuxda siin doonaan.

Related posts

Maraykanka oo duqeeyey xero tababar oo Al-Shabaab ku leeyihiin Koonfurta Somalia

Caydiid Ali

Hogaamiyaha Taliban oo soo saaray amar cusub oo ka careysiinaya reer galbeedka

Caydiid Ali

Ookiyaale uu xiran jiray halgamaagii Mahatma Gandhi oo lacag waali ah lagu iibsanayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---