Daawo Sawirada: Weerar dad badan lagu dilay oo lagu qaaday Kaniisad kutaala Quetta 

Weerar isugu jiray is qarxin iyo mid toos ah ayaa saakay lagu qaaday kaniisad kutaala magaalada Quetta ee dalka Pakistan, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Nin waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa ku qarxay banaanka kaniisadda Methodist , Waxaana xiligaas kadib rag hubeesan rasaas ku fureen dhismaha kaniisada ,waxaana mar kale isla goobtaasi isku qarxiyay nin kale.

Inta la xaqiijiyay weerarkan waxaa ku dhintay 8-qof halka ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan, ciidamada amaanka oo goobta si deg deg ah usoo gaaray ayaa ku guuleestay in ay dad badan ay caruur ku jiraan bad baadiyaan.

Weerarkan ayaa lagu tuhmayaa in ay ka dambeeyaan kooxda Daalibaan ee ka dagaalanta dalalka Afgaanistan iyo Pakistan , waxaana si kulul weerarkan u cambaareeyay masuuliyiin sare oo katirsan dowlada Pakistan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -