Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho Faahfaahino ka soo baxaya

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan  qarax xoogan oo galabta ka dhacay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa ka dhacay wadada warshadaha gaar ahaan inta u dhexeysa Isbitaalka Carafaat iyo isgoyska Jeneraal Daauud, waxaana daryankiisa laga maqlay meelo badan.

Masuuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Yaaqshiid ayaa sheegay in qaraxan uu ahaa miino la aasay oo ay fashiilyeen ciidamada amaanka.

Maamulka degmada Yaaqshiid ayaa beeniyey warar laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan NISA oo ay baahiyeen qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho kaasoo sheegay in qaraxaas uu ka dhashay gaari xamuul ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey.

“Gaari xamuul ah ma aheyn qaraxan, balse waxaa uu ka dhashay miino wadada lagu aasay oo ay nagu soo wargeliyeen dadka degaanka ciidamada amaanka ayaana fashilyey, mana jirto wax khasaare ah oo ka dhashay” ayuu yiri masuul ka tirsan degmada Yaaqshiid oo warbaahinta la hadlay.

Gaari xamuul ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa gooe dhow ku qarxay xaafada Carafaat oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -