Allbanaadir.com
NEWS

Kulan caawa Magaalada Kigali ku yeesheen RW Khayre iyo dhigiisa dalka Rwanda (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda kulan casho ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Edouard Ngirente iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada.

Kulanka labada Ra’iisul Wasaare waxaa goob joog ka ahaa Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Masuuliyiin ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaare Khayre iyo wasiiru dawlaha arrimmaha dibadda, wasiirka caddaaladda ee Rwanda, Lt. Gen Jacques Musemakweli iyo masuulyiin kale oo reer Rwanda ah.

Labada Ra’iisul Wasaare iyo masuuliyiinta kale ee kulanka ku wehliyay ayaa ka wada hadlay arrimaha garsoorka iyo Cadaaladda, dhaqaalaha, adkeynta xariirka labada dawladood iyo ammaanka qaaradda Afrika.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa uga mahad celiyay dhiggiisa Rwanda casuummaadda ay u fidiyeen iyo soo dhaweynta Ballaaran, waxa uuna sidoo kale sheegay in uu rajeynayo in Soomaaliya ay Rwanda uga dayato horumaka ay sameysay iyo sida ay uga gudubtay burburkii iyo colaadihii sokeeye ee dhibaatada badan gaarsiiyay dalkaas.

Ra’iisul Wasaare Edouard Ngirente ayaa dhankiisa bogaadiyay horumarka muuqda ee Soomaaliya ay ku tillaabsatay wixii ka dambeeyay doorashadii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo)

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale maalinta berri ah la kulmaya madaxweynaha Rwanda ahna Gudoomiyaha Midawga Afrika,, Paul Kagame.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Go’aan dowlada Kenya ka qaadan laheyd sii wadida dacwada Badda oo fashilmay

Caydiid Ali

Fahad Yaasiin “Kumuu ahaa Janaraal Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole)?

admin

Taliyihii ciidanka Xoogga dalka oo xilka laga qaaday iyo Taliye cusub oo la magacaabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---