Dagaalo lagu hoobtay oo ka dhacay degaan ka tirsan gobolka Sool & Wararkii damnbeeyey

Ugu yaraan toban qof oo dhinacyadii dagaallamayey ka tirsan ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen, tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen dagaal maanta ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Sool.

Dagaalka oo saacado badan socday ayaa ka dhacay halka lagu magacaabo Xoorre oo u dhow degmada Burtinle ee gobolka Nugaal, waxaana la sheegay inuu salka ku haya muran la xiriira degaanka iyo aano qabiil.

Wararku waxay sheegayaan in hub culus oo tikniko ah ay labada dhinac isu adeegsadeen.

Khasaaraha dagaalka ka dhashay, kaasoo u dhaxeeya laba beelood, ayey dad goob joogeyaal ahi sheegayaan inuu aad u weyn yahay.

Dad xoolo dhaqato ah ayaa xoolahooda iyo ayagaba ka soo carareen deegaanka uu dagaalku ka socdo.

Maalmo ka hor ayuu dagaal labada dhinac dhex maray galaaftay nolosha ilaa 10 qof, waxaana dagaalka maanta uu ku soo aadayaa xili Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu maalintii seddexaad u joogo degmada Burtinle sidii loo soo afjari lahaa dagaalka inkastoo aanu weli ku guuleysan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -