Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Sudan oo aqbashay in Maxkamada ICC ku wareejiso saraakiil dambiyo loo haysto

Dowlada Sudan ayaa aqbashay codsi uga yimid Maxkamada dambiyada caalamiga ee ICC oo ku aadanaa in ay kusoo wareejiso saraakiil badan oo loo heesto in ay ku lug lahaayeen dambiyo dagaal oo ka dhacay gobolka Darfur.

Maxkamada ICC ayaa dhoor mar ka dalbatay Milatariga talada Sudan haya in ay kusoo wareejiyaan saraakiisha iyo masuuliyiinta loo heesto dambiyada dagaal ee ka dhacay gobolka Darfur si cadaalada loo horgeeyo.

Dowlada Sudan ayaana sheegtay in maxkamada ICC ku wareejineyso saraakiisha loo heesto dambiyada dagaal, mana shaacin Sudan magacyada saraakiisha ay ku wareejineyso Maxkamada ICC.

Maxkamada ICC ayaa horey u dalbatay in Madaxweynihii hore ee Sudan Cumar Al Bashiir lagu soo wareejiyo, lamana oga in dowlada Sudan maxkamada caalamiga ku wareejin doonto Al Bashiir oo ku jira liiska ay baadi goobeyso ICC.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in Khilaaf uu u dhaxeeyo Farmaajo iyo Kheyre ?

Cabdi Cade

Qeybo ka mid ah jirka Saxafigii la kharaajiyey ee Jamal Kashoggi oo la helay

Caydiid Ali

Dayax Madoobaad 48 saac ka dib laga arki doono qeybo ka mid ah dunida iyo Somalia oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---