Toban qof oo ku dhintay qarax ka dhacay kaalin shidaal oo ku taalla gobolka Donegal (Sawirro)

Toban qof oo ay ku jiraan labo dhallinyaro ah iyo gabar ka yar ayaa ku dhintay qarax ka dhacay kaalin shidaal oo ku taalla gobolka Donegal ee dalka Ireland, sida ay booliisku sheegeen.

Booliska ayaa intaas ku daray in aan la fileyn khasaare kale oo ka dhashay qaraxa oo dhacay wax yar kadib 3-dii habeenimo. saacada maxaliga ah (1400 GMT) jimcaha goobta shidaalka Applegreen ee duleedka tuulada Creeslough.

Dadka dhintay oo dhamaantood ka soo jeeda deegaanka, ayaa waxaa sidoo kale ku jiray afar rag ah iyo saddex dumar ah. Siddeed qof ayaa lagu daweynayaa isbitaalka, oo uu ku jiro mid qaba dhaawacyo halis ah oo diyaarad loo qaaday Dublin.

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay guri dabaq ah oo ka sarreeya bakhaarka kaalinta shidaalka oo qayb ka mid ah oo soo dumay, iyo qashin daadsan afaafka hore oo ay dhowr baabuur yaallaan

Raiisel Wasaaraha Ireland Micheál Martin ayaa sheegay in dhacdadani ay tahay masiibo aan laga sheekayn karin oo ku dhacday bulsho yar oo ka kooban dhawr boqol oo qof isagoo xusay inuu aad uga xun yahay lana qeybsanayo murugada tiiraanyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -