Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo cadaadiska kusii kordhayo xil ka qaadisna qarka u saaran

Warar soo baxaya , ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh qorsheenayo in uu xilka ka qaado guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamed Axmed Amiir, kaddib markii uu ku fashilmay waxqabadkii laga sugayay.

Duqa Muqdisho oo sababihii xilka loogu dhiibay waxaa ugu horreeyay xal u helida biyaha roobka ee waddooyinka fadhiista iyo sidii loo sameyn lahaa biyo mareeno  iyo sidoo kale sidii uu uga shaqeyn lahaa dardargelinta doorashada qof iyo cod.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa wararku sheegayaan in uusan ku qanacsaneyn waxqabadka aan muuqan ee  guddoomiyaha gobolka Banaadir, waxaa sidoo kale marar badan soo gaartay cabsho ka dhan ah duqa magaalada Muqdisho.

Xogaha soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh hadda ka baarandegayo qofkii uu ku beddeli lahaa guddoomiye Amiir uu Madaxweynaha ka rejo dhigay, waxaana xaalada uga sii daray roobkii habeen hore ka da’ay caasimadda oo khasaaro badan geestay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo laga sugayay in uu xal u keeno xaalada adag ee magaalada gashay , ayaa safar isaga maqan dalka dibadiisa, waxa ayna dad badan oo reer Muqdisho ah ku dhaliileen maamulka gobolka in kaliya yaqaanaan sida canshuur loo qadao balse xal u heyn dhibaatada roobka keeno.

Dad ku dhaw 10-qof, ayaa ku dhintay roobkii xooganaa ee habeen hore ka da”ay magaalada Muqdishi, waxaa sidoo kale roobka sababay in guryo badan dumaan, kuwana biyo buux dhaafiyaan, waxaa sidoo kale roobka ku burburay wadooyin badan , halka kuwa kalana biyo badan ay dhax ceegaagaan.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Eretria oo ku hanjabtay in xiriirka u jareyso Soomaaliya haddii ay …

Cabdi Cade

Odayaal kasoo jeeda Gedo oo diiday in Garbahaarey Doorasho ka dhacdo (Sawiiro)

Cabdi Cade

Jadwalka Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo lasoo saaray (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---