Baaritaanka qaraxii lagu dilay Guddoomiyihii G/Nugaal oo la soo gebagebeeyey

Maamulka Puntland ayaa shaaciyey natiijada baaritaanka qarax ismiidaamin ah oo 29-kii Bishii Maarso ee sanadkan ka dhacay magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal kaasoo lagu dilay Allaha u naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Nugaal  Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir).

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Puntland ayaa sheegay in kiiskaasi baaritaankiisa uu soo gebagaboobey, isla markaana ay hayaan dad loo qabtay weerarkaasi, dhawaana soo bandhigi doonaan sida uu u dhacay.

Waxaa uu sheegay guddoomiyaha in dadka kiiskan loo hayo ay ku jiraan gacanta Hay’adaha Amniga Puntland dhawaana ay u gudbin doonaan Hay’adaha Garsoorka si ay u Maxkamadeeyaan inkastoo uusan sheegin tiradda dadka xiran.

Waxaa weerarkaasi sheegtay Al-Shabaab oo dagaal kula jirta dowlada Soomaaliya iyo maamulada xubnaha ka ah oo ay ku jirto Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -