War cusub oo ka soo kordhay bartii Instagram ee laga jabsaday Villa Somalia

Madaxtooyada Somalia ayaa dib gacanteeda ugu soo celisay bartii Instagram ee Villa Somalia oo maalmo ka hor jabsaday.

Bartan ayaa lagu baahiyey Muuqaal ka dhan ah Madaxweyne Xassan Shiikh intii uu ka maqnaa gacanta Villa Somalia.

Waxaa bogga lagu soo daabacay inuu la wareegay nin lagu magacaabo Maxamuud Carab oo ka tirsanaan jiray weriyeyaasha warbaahinta Muqdisho, haatanse ku nool Qaarada Yurub.

Bogga oo ay saaran tahay calaamada xaqiijneysa inuu yahay bogga rasmiga ah ee Villa Somalia (Blue fig) ayaa lagu baahiyey Muuqaal uu iska duubay Maxamuud Carab oo lagu dhaleeceynayo Madaxweyne Xassan Shiikh.

Maxamuud Carab ayaa ka mid ahaa Weriyeyaal ay Muqdisho ku xirtay dowlada Somalia muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xassan Shiikh, kuwaasoo qaba caradii ay xiligaas ka qaadeen xariga loo geystay.

Ka dib dadaal dheer oo ay sameeyeen howlwadeenada xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Somalia ayaa lagu guuleystay in dib loo soo celiyey maamulka bartaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -