Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qaraxyo waxyeelo u geystay buundada isku xirta Ruushka iyo gobolka Crimea (Sawirro)

Qaraxyo xooggan ayaa waxyeelo gaarsiiyay buundada-waddo tareen oo isku xirta Ruushka gobolka Crimea ee dalka Ukraine oo ruushku sheegtay inuu xoog ku qaatay.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa loo sheegay “xaalad deg deg ah” ee buundada Crimea.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in Putin amar ku bixiyay in la sameeyo guddi dowladeed oo baara dhacdadan.

Peskov ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Interfax: “Madaxweynuhu waxa uu faray ra’iisul wasaaraha inuu soo dhiso guddi dowladeed oo soo caddeeya sababaha keenay dhacdadan”.

Waxa uu intaa ku daray in wasiirka gaadiidka Vitaly Savelyev iyo wasiirka xaaladaha degdegga ah Aleksandr Kurenkov ay u socdaalayaan goobta uu shilku ka dhacay.

Bundadan ayaa ah isku xirka kaliya ee ka dhexeeya Ruushka iyo jasiiradda Crimea, oo ay Moscow si sharci darro ah ula wareegtay 2014-kii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Waa Maxay Sababta Muudey u baajiyay Kulankii Jawaari Xildhibaanada kula hadli lahaa?

Cabdi Cade

Nabadoon caan ah oo lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Donald Trump oo shaki galinaya qabsoomida kulanka uu la qaadanayo Kim John Un

Cabdi Cade
Taboola Ads ---