Taliban oo go’aan ka soo saartay ajaaniib ay ku jiraan Maraykan oo weli ku xaniban Kabul

Dad gaaraya Laba boqol oo qof oo isugu jira Mareykan iyo ajaaniib kale oo ku sugan dalka Afghanistan ayaa la filayaa inay maanta ka duulaan magaalada Kabul, kadib markii dowladda cusub ee Taliban ay ogolaatay in la daad-gureeyo

Duulimaadkan ayaa noqon doona kii ugu horreeyey caalami ah ee ka baxa garoonka Kabul tan iyo markii ay Maraykanku ka baxay halkaas 31-kii August.

Wakiilka gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Afghanistan Zalmay Khalilzad ayaa Taliban ku cadaadiyey inay ogolodaan in dadkaas ay dalka ka baxaan sida uu Reuters u sheegay sarkaal Mareykan ah oo codsaday inaan la magacaabin.

Sarkaalka ma sheegin haddii dadkan Mareykanka iyo ajaaniibta kale ah ay ka mid yihiin dad maalmo ku xaniban magaalada Mazar-i-Sharif, kuwaasoo diyaaraddooda gaarka ah loo diiday inay duusho.

Taliban ayaa ku dhowaaqday dowlad ku-meel gaar ah oo badankeed ka kooban rag ka soo jeeda qowmiyadda Pashtun oo ay ku jiraan xag-jiriin ay saaran yihiin xayiraado caalami ah oo ay saareen Maraykanka iyo dalalka kale ee galbeedka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -