Allbanaadir.com
NEWS

Donald Trump oo shaki galinaya qabsoomida kulanka uu la qaadanayo Kim John Un

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa shaki weyn galinaya in uu qabsoomida kulanka lagu wado in 12-ka bisha soo socota ee June uu la qaato Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim John Un.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump in ay soo baxayaan ifafaalo muujinaya in uusan dhaceyn kulanka uu kula balan san yahay Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, .

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi laga doonayo in ay fuliso shuruudaha laga rabo, waxa uuna intaa raaciyay hadii Kuuriyada Waqooyi shuruudahaasi fulin weyso in uusan kulan dhici doonin.

Kuuriyada Waqooyi ayaa dhankeeda horey u shaacisay in ay wadahadalada ay la galeyso Mareykanka ka bixi doonto haddii Mareykanka ay ku cadaadiyaan in hub ka dhigis niyukleer oo hal dhinac ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaar ka mid ah jidadka Muqdisho oo la xiray xili lagu guda jiro Maalinta labaad ee ciida

Caydiid Ali

Milatariga Itoobiya oo sugaya Amar ay mar kale ku weeraraan magaalada Makalle

Cabdi Cade

Xildhibaanada maamulka Hirshabelle oo ku dhegan Madaxweyne Waare

Cabdi Cade