Dowlada Somalia oo hawada ka saartay dhammaan Websetyadii Al-shabaab adeegsan jirtay

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta DF C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay in hawada laga saaray inta badan barihii internetka ee ay adeegsan jirtay Al-shabaab, kuwaasoo faafin wararka iyo afkaaraha ay gaarsiinayaan bulshada

“Ilaah mahaddiis, barihii ugu waawaynaa ee Khawaarijta ee Warbaahinta waa xiranyihiin. Waa socdaa hawlgalku waana dhamaystiraysaa Dawladdu Insha allaah. Waa ku mahadsanyihiin Shacabka Soomaaliyeed dhiiranaantooda.

Wasiirka ayaa baaq iyo codsi u diray shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan si xushmadleh uwaydiisanaynaa Qofkii arka Bar Warbaahineed oo Khawaarijtu ku dhuumanayso in uu nala wadaago, waxaadna nagula wadaagikartaa Info@moi.gov.so.” ayuu intaas ku daray.

Waxaa hawada ka maqan oo haatan aan la booqan karin inta badan barihii Al-shabaab ay adeegsan jirreen dhinaca warfaafinta.

HOOS KA AKHRISO MAGACYADA BARAHA LA XIRAY OO LAGU XUSAY WAR-SAXAAFADEED KA SOO BAXAY WASAARADA WARFAAFINTA.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -