Wararkii ugu dambeeyey dagaalo iyo qaraxyo ka dhacay nawaxiga degaanka Basra

Waxaa soo baxaya faahfaahino ka soo baxaya dagaalku bilowday qaraxyo oo saaka illaa barqanimadii maanta ka socday nawaaxiga degaanka Basra ee gobolka Sh/dhexe.

Dagaalka ayaa bilowday saaka ka dib markii Al-shabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo ku soo qaadeen goobaha ay difaaca kaga jireen ciidamada dowlada ee dhowaan la wareegay degaanka Basra iyo degaanada hoos yimaada.

Khasaare xoogan oo naf iyo maalba leh ayaa labada dhinac ka soo gaaray dagaalka oo soo gaaray illaa duhurnimadii maanta, inkastoo aan tirakoob saxan laga heynin tirada dhimashada iyo dhaawaca.

Wararka ayaa sheegaya in askarta dagaalka looga dilay ciidamada dowlada ay ku jiraan saraakiil ka tirsan NISA iyo ciidamada Gorgor.

Dowlada Somalia ayaa saaka sheegtay in 19 ka tirsan Al-shabaab lagu dilay dagaalka saaka ka dhacay degaanka Basra.

Jimcihii hore ayey aheyd markii qarax miino oo ka dhacay degaanka Basra lagu dilay taliyihii ciidanka Booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole xili uu halkaas ka socday howlgal looga saaray Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -