Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Cali Guudlaawe oo booqday goobihii ku burburay qaraxyadii Baladweyne (Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeeray goobihii ay ka dhaceen qaraxyadii argagixiso ee Magaalada Beledweyne.

Kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa qeyb ka ahaa Madaxweyne Ku-Xigeenka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar, Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan

Cali Guudlaawe ayaa ugu kuurgalay qasaaraha baahsan ee u geystay qaraxyada Al-shabaab ka geysteen 3dii bishaan Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha ayaa kormeer iyo indho indheyn ku tagay xarunta Madaxtooyada Magaalada Beledweyne oo burbur xoogan uu ka soo gaaray weeraradaas.

Waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay usoo gurmadaan dadka masaakiinta ee hantidoodu ay ku burburtay qaraxyadaas.

default

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Itoobiya oo jawaab caro leh ka bixisay eedeyn cusub oo kaga timid Mareykanka

Caydiid Ali

Mid ka mid ah fanaaniintii ugu caansanaa Somalia oo caawa geeriyooday

Caydiid Ali

Muxuu yahay qorshaha xiga haddii laga guuleysto kooxda Al-Shabaab?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---