Isbitaalka taqasusiga ah ee Dalmar oo daahfuray qaliimo cusub oo dibeda loo aadi jiray (Sawirro)

Xarunta Isbitaalka taqasusiga iyo tacliimiga ee Dalmar ayaa waxaa lagu qabtay Munaasabad lagu daah-furayey qaliimo cusub oo lagu soo kordhiyey isbitaalka, kuwaasoo la xiriira dhinaca Qurxinta iyo hagaajinta Caafimaadka.

Waxaa Munaasabadan ka qeyb galay qeybo ka mid bahda Caafimaadka, ardayda Jaamacadaha qaarkood iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

Dr. Ahmed Abdirisak Dalmar oo ka tirsan masuuliyiinta Isbitaalka ayaa hadalo furitaan ah ka jeediyey munaasabadan, isagoo faahfaahin ka bixiyey qaliimada cusub ee ay soo kordhiyeen iyo faa’iidooyinka ay u leeyihiin Caafimaadka iyo bilicda qofka, kuwaasoo ay ka mid yihiin kuwo lagu yareynayo cayilka gaar ahaan xeyrta caloosha.

Dr. Essa Ismail Suleiman oo u dhashay dalka Siiriya, ahna dhaqtar ku taqasusay qaliimada guud iyo kuwa Qurxinta ayaa ka waramay ujeedada iyo faa’iidooyinka ay qaliimada noocan ah u leeyihiin bilicda iyo Caafimaadka qofka.

“Qaliinada meyrista xeyrta ee loo yaqaano (Liposuction) waa kuwo muhiimad weyn u leh Caafimaadka iyo bilicda qofka, wey fudud yihiin, mana laha saameyn xun, sidoo kale waxaan sameynaa meyrista xeyrta Naasaha, gacmaha iyo bowdada”ayuu yiri Dr. Essa oo ku dheeraaday waxtarka qaliimadan isagoo bulshada uu ugu baaqay iney ka faa’iideystaan.

Qaar ka mid ah ka soo qeyb galayaasha ayaa su’aalo la xiriira qaliimadan weydiiyey Dr. Essa Ismail Suleiman oo isna si saraaxad leh uga jawaabay.

Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay mid ka mid ah bukaanada loo sameeyey qaliinada xeyrta caloosha oo sheegay in markii hore uu Miisaankiisu ahaa 106kg, Qaliinka ka dibna uu noqday 96kg, isagoo xusay in Caafimaadkiisu aad u fiican yahay, uuna u mahad celinayo Maamulka iyo dhaqaatiirta Isbitaalka Dalmar oo uu sheegay iney soo dhoweyn sare iyo daryeelba u fidiyeen.

Eng. C/qaadir Cali Shire oo ka socday Dahabshiil kana mid ahaa martidii lagu casuumay munaasabadan ayaa soo dhoweeyey, talaabo horumar lehna ku tilmaamay qaliinada cusub ee uu soo kordhiyey Isbitaalka Dalmar. wuxuuna ugu baaqay Maamulka iyo dhaqaatiirta Isbitaalka iney dedaalkooda sii xoojiyaan.

Agaasimaha guud ee Isbitaalka taqasusiga iyo tacliimiga ee Dalmar Prof.Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo gebagebadii munaasabadan ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Isbitaalka Dalmar uu markii ugu horeysay dalka ka fuliyo  qaliinka meyrista Xeyrta, isagoo ka waramay muhimada iyo faa’iidada ay Caafimaadka qofka u leedahay in loo sameeyo qaliinkan.

“Cayilku haddii uu bato, isla markaana jimicsiga uu wax ka qaban waayo wuxuu noqonayaa xanuun sababaya cuduro fara badan, sidaas awgeed ujeedada qaliinka loogu sameynayo qofka kaliya ma’ahan qurxin ee waa badbaadin loola jeedo Caafimaadka iyo nolosha qofka” ayuu  yiri agaasimaha.

Dr.Dalmar ayaa intaas ku daray in Dr. Essa Ismail Suleiman oo ah dhaqtarka sameynaya qaliimadan uu leeyahay 30 sano oo khibrad ah, uuna ka soo shaqeeyey meelo badan. isagoo xusay inuu sidoo kale sameeyo qaliimo kale oo fara badan sida kuwo Timo beerista iyo kuwa loo yaqaano (Laporoscopic surgeon) oo qeybo badan leh.

“Isbitaalka Taqasusiga iyo tacliimiga ah ee Dalmar wuxuu ka dhashay baahiyaha Caafimaad ee dalka ka jira wuxuu u adeegayaa bulshada, kuma tiirsana heyad dowlad midna, qarashka lagu wado isla bulshada ayuu ka yimaadaa midka wax heystana waa bixiyaa, kaan heysana waa laga dhaafaa anagoo tixgelinayna duruufaha ka jira dalka” ayuu yiri Dr Dalmar oo shaqaalaha iyo dhaqaatiirta uga mahad celiyey sida ay mar walba heeganka ugu yihiin adeega iyo daryeelka bukaanada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -