Soomaaliya oo Midowga Afrika ka dalbatay in laga qaado Xayiraada dhinaca hubka

Sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ahna Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Balal Maxamed Cusmaan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Lusaka ee caasimadda dalka Zambia uga qeyb galay shirka 41-aad ee caadiga ah oo ay bartamaha sannad kasta isugu yimaadaan golaha fulinta Midowga Africa.

Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Balal Maxamed Cusmaan ayaa shirka ka jeediyay khudbad dhinacyo taabanaysa, isagoo sheegay in Soomaaliya ay horumaro badan ka samaysay dhinacyada dawladnimada, amniga iyo dhaqaalaha isla markaana ay sii xoojisay xiriirka ay la leedahay dalalka Afrika iyo caalamka intiisa kale.

Sidoo kale, wasiirka ayaa dalalka Afrika ee shirka ka soo qeyb galay la wadaagay halka ay mareyso xaalada kala guurka ee ciidama ATMIS iyo meel marinta qorshaha socda ee qeexaya in ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ay la wareegaan amniga guud ee Soomaaliya.

Sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Balal Maxamed Cusmaan  ayaa golaha fulinta ee Midowga Afrika ka dalbaday in laga qaado xayiraada dhinaca hubka , waxa uuna adkeeyay muhiimada ay leedahay in Soomaaliya laga qaado xayiraadda hubka taas oo caqabad ku noqoneysa meel marinta la wareegista amniga ee ciidanka xoogga Soomaaliyeed.

Shirka oo soo idlaaday ayaa waxaa sidoo kale, ka qayb galay danjiraha Dawladda Soomaaliya u jooga dalka Zambia Amb. Xaawo Xasan Maxamed, Uqaybsanaha Safaaraadda JFS Addis Ababa Ethiopia ee Midowga Africa mudane Shaafici Nuur Calas Faarax iyo la taliyaha koowaad ee Safaaradda JFS ee Zambia mudane Yaasiin Cabdi Seed.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -