Dowlada Somalia oo amar ku soo rogtay Bankiyada lacagaha loo dhexmariyo Al-shabaab

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa kulan la qaatay ganacsatada iyo masuuliyiinta Bangiyada dalka oo uu kala hadlay siddii Al-Shabaab looga joojin lahaa dariiq kasta oo dhaqaale iyo Maaliyad ee ay ka helaan Ganacsatada gaar ahaan lacagaha dhexmariyo Bangiyada dalka.

Wuxuu ganacsatada ku amray inay joojiyaan nooc kasta oo dhaqaale ama Maaliyaddeed oo Al-Shabaab ay ka helaan Bangiyada.

Waxaa uu carabka ku adkeeyey in ciddii fulin wayda awaamiirta Wasaaradda iyo Dawladda ay ka qaadi doonaan tallaabo waafaqsan sharciga isla-mar-ahaantaana ay si dhab ah u la xisaabtami doonaan ciddii fulin wayda.

Sidoo kale, wuxu carabka ku adkeeyey in aanay marna suurto-gal ahayn oo aanay aqbalayn in dhaqaale maaliyaddeed oo laga qaaday ganacsatada in lagu gumaado oo lagu xasuuqo shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu xusay inay ka dawlad ahaan ka go’an tahay joojinta dariiq kasta oo kooxda Al-shabaab ay lacago kaga hesho ganacsatada.

Al-Shabaab ayaa la aaminsan yahay dhaqaale malaayiin dollar ah ka qaado ganacstada Soomaliyeed, dhaqaalahaas oo la sheegay in kooxdu ku maalgeliso howlgalada iyo weerarada ay ka fuliso gudaha dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -