Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Khayre & wafdi uu ka mid yahay Gudoomiye Cumar Filish oo dalka ka dhoofay

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo sanadkii sedaxaad uu uga qayb gelayo madasha Dooxa

Madasha Dooxa oo ay ka qeyb gelayaan madax ka socota qaar kamid ah dowladaha caalamka iyo hey’ado caalami ah, sanadkaanna looga hadlayo ajandayaal ay kamid yihiin amniga, teknoolojiyadda, dhaqanka iyo ganacsiga ayaa soconeysa Deseembar 14-15, 2019.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa madasha Dooxa ka qayb galay sanadihii 2018 iy0 2017

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, wasiirka arrimaha dastuurka iyo mas’uuliyiin kale ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya safarka uu ugu baxay dalka Qatar.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa inta uu joogo Dooxa waxa uu kulamo doceedyo la yeelanayaa madaxda Qatar iyo qaar kamid ah madaxda kale ee ka qayb geleysa madasha Dooxa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mahad Salaad: “Wasiir Beyle ma wuxuu rabaa inuu dadka xoolahooda Xoog ku dhaco”

Caydiid Ali

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland oo safar dhulka ah ku gaaray Boosaaso (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in Maxamed Bin Salman uu Iibsanayo Kooxda Manchester United?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---