Midowga Afrika oo War ka soo saaray weeraradii Al-shabaab ka geysatay Muqdisho

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa si kulul u cambaareeyay weerarro xiriir ah oo kooxda Al-Shabaab ka fuliyeen magaalada Muqdisho habeen hore.

Weeraradan oo lagu bartilmaameedsaday xarumo kala duwan oo ammaanka lagu sugayo iyo xaafado ay shacab degan yihiin, ayaa waxaa ku dhintay askar iyo dad rayid ah oo ay ku jiraan haween.

“Weerarkii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab waxa uu muujinayaa in ay iska indha tireen naf iyo maalba, xilli Soomaaliya ay muujineyso sida ay uga go’an tahay dib u dhiska dalka. Midowga Afrika waxa uu weli diyaar u yahay in uu taageero Soomaaliya si looga adkaado argagixisanimada wax u dhimaya dhaqaalaha, dhaqanka, siyaasadda iyo nolosha bulshada,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) u qaabilsan Soomaaliya, Fiona Lortan.

Habeenimadii 16-kii Febraayo 2022, Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa ayaa lagu qarxiyay saldhigga Booliska Kaxda. Sidoo kale waxaa la weeraray labo saldhig oo kale oo Boolis ah oo ku kala yaala Ceelasha-Biyaha iyo Ceel-Janaale. Sidoo kale gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray xaafadda Daarusalaam ee degmada Yaaqshiid, iyadoo sidoo kale madaafiic lagu weeraray dad rayid ah oo ku sugnaa degmooyinka Muqdisho qaarkood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -