(Daawo Sawirro) Al-Shabaab hubkiisa wata oo isku soo dhiibay ciidamada Xoogga dalka

Cabdisamad Liibaan Maxamed oo magaciisa afgarashada ku sheegay (CabdiMaalik) ayaa isku soo dhiibey ciidamada qalabka sida ee fadhigoodu yahay Dhuusamareeb.

Cabdimaalik oo sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa keydinta macluumaadka saldhiga Ceelbuur ayaa la soo goostay qori noociisu yahay Ak-47.

Waxaa uu sheegey inuu Al-shabaab kaga biirey magaalada Muqdisho oo laga kaxeeyey 3 sano ka hor isagoo ah arday dhigta dugsiga sare, markaas kadib waxa uu tababaro ku qaatay meelo kala duwan.

Dhaqamada foosha xun iyo duruufaha adag ee soo wajahay Al-shabaab awgood ayuu sheegey inay isaga ku qasabtay inuu soo baxsado iskuna soo dhiibo ciidanka DF.

Al-shabaab ayaa waxaa todobaadyadan ay dagaalo culus kaga furan yihiin gobolada dhexe ee dalka gaar ahaan Hiiraan iyo Galgaduud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -