Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Somalia oo guul naadir ah ka gaartay Ciyaaraha Bariga & bartamaha Afrika

Xulka kubadda cagta 17 jirrada ee dalkeenna Somalia ayaa 1-0  kaga adkaaday dhigooda Ethiopia ciyaaraha isreebreebka Bariga iyo bartamaha Afrika.

Ciyaartan oo ka dhacday garoonka Abebe Bikila Stadium ee magaalada Addis ababa ayaa aheyd mid aad u xiise badneyd iyadoo labada kooxood ay soo bandhigeen ciyaar aad loo jecleystay

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somalia Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa Hambalyo u diray xulka Somalia.

Wasiirka oo khadka Telefoonka kula hadlay xulka, maamulka iyo macalimiinta ayaa ku amaanay guusha ay usoo hooyeen ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, kale Wasiirka ayaa u mahad-celiyay xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta oo  iska lahaa abaabulka, farsamada iyo diyaarinta kooxdan sida wanaagsan u diyaarsan.

Somalia ayaa looga bartay iney guuldarooyin isdaba joog ah ka soo hoyso tartamada caalamiga ah ee gobolka, iyadoo guushan ay tahay mid naadir ah oo lama filaan ku noqotay dad badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xasan Sheekh ” Dowlad gacan adag dadka ku qabata waxa maanta jira ayaan ka dhaxalnay”

Cabdi Cade

Ciidanka Dowladda oo ku dheelmaday xaafada Dabdamiska ee Muqdisho

Cabdi Cade

Guddi xaqiiqo raadin ah oo loo saaray qalalaasihii ka dhacay Baydhabo (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---