Guddi xaqiiqo raadin ah oo loo saaray qalalaasihii ka dhacay Baydhabo (Akhriso)

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa magacaabay Guddi xaqiiqo raadin ah oo baaraya shaqaaqooyinkii ka dhacay Magaalada Baydhabo ee doorashadii ka horeeyay.

Wareegto ka soo baxday C/casiis Laftagareen ayaa lagu magacabaya Guddigan oo ka kooban 7 xubnood, kuwaasoo la sheegay inay keeni doonaan xaqiiqada dhabta ah ee shaqaaqooyinkii ka dhacay Magaalada Baydhabo ayna ku dhinteen dad gaaraya 15 qof.

Arrintan ayaa imaaneysa kadib markii wakiilkii hore ee Q/Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya uu su’aalo culus arritan ka weydiiyey wasiirka amniga Soomaaliya, iyadoo dowladda Soomaaliya laga sugayo jawaabta faragelintii ay ku sameysay doorashadii K/Galbeed iyo qaabkii loo maareeyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -