Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku riday Saddex nin

Maxkamada sare ee ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday maanta Saddex askari oo ka kala tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka, kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed iyo Nabadsugida Baydhabo.

Labo ka mid ah Raggan oo magacyadooda lagu kala sheegay C/waaxid Cali Shiikh Aadan oo ka tirsanaa Ciidanka Xooga iyo  Xuseen Cali Macalin Iimaan oo ka tirsanaa Daraawiishta Koonfur Galbeed  ayaa dhowaan ku dilay duleedka Magaalada Baydhabo Marxuum Muxudiin Maxamed C/raxmaan.

Ninka sadexaad oo isna la yiraahdo C/raxmaan Cali Xuseen oo ka tirsanaa Nabad Sugida Baydhabo ayaa isna dil lagu xukumay, Kadib markii ay Maxkamaddu ku heshay inuu dilay Marxuum lagu Magacaabi jiray Maxamed Cali Maxamed.

C/waaxid Cali Shiikh Aadan iyo Xuseen Cali Macalin Iimaan ayaa Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida qeybta 60aad waxay 28-kii Bishii July ee sanadkii 2018 ku riday xukun dil ah, waxay racfaan ka qaateen xukunkaas, balse Maanta ayey Maxkamada sare ku raacday xukunkii hore ee  Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee ahaa in lagu fuliyo dil toogasho ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -