Madaxweyne Afrikan ah oo istaaga ka faniinay xili uu Munaasabad ka qeyb galayay

Madaxweynaha dalka Zambia Edgar Lungu, ayaa istaagay ka faniinay xili uu ka qeyb galayay xaflad loo sameenayay ciidanka Qaranka dalkaasi, waxaana shaki badan la galiyay xaalada caafimaad ee Madaxweynaha.

Edgar Lungu ayaa xiliga uu istaaga ka dhacayay waxaa lasoo darsey  tabaryari iyo wareer, waxaana markii uu dhacay garbaha ka qabtay kana waday goobta ilaaladiisa gaarka ah iyo masuuliyiin kale oo la joogtay.

Xoghayaha golaha wasiirada dowlada Zambia Simon Miti, ayaa shaaciyay in madaxweyne Edgar Lungu xaaladiisa caafimaadkiisu wanaagsan yahay, waxa uuna xusay in uu  gutey hawshii qaran ee uu hayey.

Shacabka dalka Zambia ayaana aad u hadal hayay xaalada lasoo daristay madaxweynahooda, waxa ayna dadka qaar shaki galiyeen xaalada caafimaad ee Madaxweynaha markii la sheegay in uu jooga ka dhacay.

Madaxweynaha dalkka Zambia Edgar Lungu ayaa sidan oo kale sanado kahor lasoo daristay in uu wareero, waxaana la sheegay in xiligaas iyana lasoo daristay xaalad caafimaad balse lagu guuleestay in wax laga qabto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -