Cabsi laga qabo inuu faafo Cudurka Ebola ee ka dilaacay Ugandha (Sawirro)

Heyadda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in cudurka Ebola ee ka dilaacay Uganda la ogaaday goor dambe.

Baaritaano horudhac ah ayaa sheegaya in astaamaha ay bukaanada ku soo baxeen bishii Ogosto balse aanan isla markiiba horay laga ogaanin.

Ugu yaraan 24 qof ayaa ilaa hadda laga helay cudurka Ebola, kaasoo ay ugu dhinteen dalkaas afar qof, waxaana laga cabsi qabaa inuu si xowli ah u faafo

Uganda waxaa hore uga dillaacay cudurka Ebola, cudurkan oo kumanaan qof ku dilay Afrika oo dhan tan iyo markii ugu horreysay ee laga helay 1976-kii Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Emma Ainebyona, oo ah afhayeen u hadashay wasaaradda caafimaadka, ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee AFP xakamaynta safarka ee shaqada aan muhiimka ahayn ee degmada Mubende, oo ah xudunta u ah cudurkan, la soo rogay.

Maamulka caafimaadka ee dalka harooyinka waaweyn ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in nin 24 jir ah uu noqday qofkii 4aad ee u dhintay cudurka Ebola, waana markii ugu horreysay oo tani ay dhacdo tan iyo sanadkii 2019-kii.

Kiiska qofka dhintay ayaa ka yimid nooc “nadir ah” oo loo yaqaan Suudaan, kaasoo aan laga soo sheegin Uganda tan iyo 2012 sida uu sheegay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO).

Cudurka Ebola inta badan waa dilaa, laakiin tallaalo iyo daweyn ayaa hadda jira oo looga hortagayo qandhada dhiigbaxa, taasoo ay u gudbiyaan bini’aadamka xayawaanka qaba cudurka.

Gudbinta bini’aadamku waxay ku dhacdaa dareeraha jirka, calaamadaha ugu waaweyn waa qandho, matag, dhiig-bax iyo shuban.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -