Madaxweyne Putin oo saxiixay go’aan dab ku sii shidaya dagaalka uu kula jiro Ukraine

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa saxiixay go’aan uu madax banaani ugu aqoonsanayo Gobolada Zaporozhye iyo Kherson ee ka tirsan dalka Ukraine ka dib afti uu sheegay inuu ka qaaday shacabka degan labadaas gobol.

Mareykanka ayaa sheegay inaanu aqbaleyn wax uu ugu yeeray “natiijada been abuurka ah ee kasoo baxday aftida uu Ruushka ka qaaday Goboladaasi”.

Washington ayaa intaa ku dartay inaan sidoo kale  la aqbali karin in dal uu ku tunto qawaaniinta & shuruucda caalamiga ah.

Horey Madaxweynaha Ruushka ayaa Madax banaani ugu aqoonsaday Gobolada Luhansk ito Donetsk oo Dalka Ukraine ka tirsan.

Sidoo kale sanadkii 2014 Ruushka ayaa awood Milatari kula wareegay oo Ukraine ka qabsaday Gobolka Crimea oo uu dalkiisa ku darsaday.

Tani ayaa ka dhigan in Ruushku uu Dalka Ukraine qeyb qeyb u boobayo dhulkiisa, iyadoo Moosko doonayso iney meesha ka saarto dal la yiraahdo Ukraine.

Kremelinka Ruushka ayaa xaqiijiyay Jimcaha maanta ah in la qaban doono xaflad lagu shaacinayo gobolo ka tirsanaa Ukraine oo ku soo biiray Ruushka

Talaabada Ruushka ayaa la sheegay iney sii fogeyneyso sidii xal waara looga gaari lahaa dagaalka ka socda Ukraine ee ka dhex socda ciidamada dalkaas iyo kuwa Ruushka ee weeraray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -