Carro ka dhalatay Qoraal Madaxweyne Farmaajo kasoo saaray dilka Xildhibaan Aamnina Mohamed

Barta Facebook ku leedahay Villa Soomaaliya ayaa xalay lasoo dhigay qoraal Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uga hadlayo qaraxa lagu dilay Xildhibaan Aamina Maxamed sidoo kale tacsi ku dirayo.

Qoraal tacsida ah uu soo diray Madaxweyne Farmaajo ayaana dhalisay carro xooggan oo dadka shacabka ka imaaneysay, waxaana inta badan dadkii aragtida ka dhiibtay qoraalkaan ku eedeeyeen Villa Soomaaliya iyadu wax ka ogeyd dilka Xildhibaanada.

Dadka aragtida ka dhiibtay qoraalka tacsida ayaa u badnaa kuwa Xildhibaanada u duceenayay iyo kuwa Villa Soomaaliya iyo Farmaajo ku eedeenayay in wax ka ogyihiin dilka loo geestay Xildhibaanada sida weyn cadaaladda ugu raadineysay Ikraan Tahliil.

Halkan ka Akhriso qaar yar oo kamid ah falcelinta dadka ka dhiibteen tacsida lasoo dhigay bogga Villa Soomaaliya

Khadar Ali Mohamed Inta Dishaan Hadana U Tacsiyeeya xisaab Waa Danbaysaa Miday Tahayba

Abdifatah Karaama Dhiigyacab Farmaajo adiga & Fahad ba ka danbeeyay dilka xildhibaan Aamina ina AS la shaqaysataana way cadahay mujrimiinyahey.

Aɓshir Abdi Hassan Argagixisadu waa badatey Gabadhaas reer vila Somalia ayaa laga rabaa.

Shacabka Puntland Intuu Dilay ayuu hadana u Tacsiyeeyay. Ballan weeye in lagaa jaro Falalka wuxuushnimada ah ee aad Dalkan ka gaystay Shanti sano ee aad na hor joogtay.

Abdifitah Mohamud Mohamed Munaafaqnimo hadaad maqasho waa teamka Farmaajo iyo Fahad xoog iyo xeelad iyo hanti waxaad kubixiseen inaad kursiga ka hor istaagtaan markaad ku guul sareysateen ayaad nafta dhaafiseen tacsi faruuryaha aan dhaafsiisneyna waad soo qoreysaan Allah umada ha idinka qabto.

Abukar Abdirahman Sheikh Maxeysan shabaab u dilin kuwa adiga kuu shaqeeya ee ay kaliya u dilaan kuwa kaa fikirka duwan!!!

Dadku xoolo adiga aad mooro ku heesato miyaad mooday!!. Daalim Ilaaheey iyo rasuulkiisa ka furtay oo dhiiga muslimka ku waji dhaqda baa tahay. Ilaaheey calaamad degdeg ah kaa soo saar, adiga iyo dhagar qabayaasha Argagaxisada ah ee villa Somalia kula joogta.

 

- Advertisement -