Qaar ka mid ah qeybaha afafka dibeda ee BBC-da oo la xirayo & Laanta Soomaaliga oo..

Dawladda Ingiriiska oo warbaahinta BBC da samaysay bartimihii qarnigii hore ayaa hadda ku hawlan sidii loo dhimi lahaa shaqada Warbaahintaas oo mar ahaan jirtay tan ugu saamaynta badan Dunida.

Qiyaastii 382 shaqaale ah ayaa la sheegayaa iney shaqadooda ku waayi doonaan qaybaha BBC xireyso hadda sida ay sheegtay ku war ay soo saartay.

Waxaa qeybaha albaabada loo laabayo ka mid ah laamaha Carabiga, Persian, Kyrgyz, Uzbek, Hindi, Bengali, Chinese, Indonesian, Tamil, iyo Urdu.

Sidoo kale qaar ka mid ah barnaamijyada TV-ga ayaa ku joogsan doona qorshayaasha cusub oo ay ku jirto qeybta carabiga ee BBCda.

Isbadaladan ayaa sidoo waxay saameynayaan Telefishanka BBC Somali oo gabi ahaanba la xiri doono iyo waliba saddexda idaacadood ee raadiyaha ah ee Nairobi laga baahiyo maalin kasta oo qaar ka mid ah a joojin doono.

Talaabadan ayaa la sheegay iney qayb ka ah qorshaha BBC World Service loogu wareejinayo adeegga koowaad ee dhijitaalka ah.

Agaasimaha Guud ee BBC Tim Davie ayaa horey ugu dhawaaqay in miisaaniyadda Adeegga Adduunka ee BBC la dhimi doono £30m.

Sidoo kale, Agaasimaha laanta caalamiga ah ee BBC Liliane Landor ayaa iyana sheegtay in BBC ay weli heysato dhegeystayaa malaayiin gaaraya oo caalamka ku baahsan.

“Doorka BBC-du waligeed ma noqon mid aad muhiim u ah adduunka oo dhan. BBC-da waxaa ku kalsoon boqollaal milyan oo qof si ay u hesho warar xaq ah oo aan eex lahayn, gaar ahaan dalalka ay arrimahani gabaabsiga yihiin. Waxaan caawinaa dadka waqtiyada dhibaatada. Waxaan sii wadi doonaa inaan u keenno daawadayaasha ugu wanaagsan Ingiriisi iyo in ka badan 40 luqadood, iyo sidoo kale kordhinta saameynta iyo saameynta saxafiyiinta annaga oo ka dhigayna sheekooyinkeena in ay sii socdaan.

“Waxaa jirta in la ballaarinayo adeegyadayada dhijitaalka ah ee Adduunka oo dhan si aan si wanaagsan ugu adeegno oo aan ula xiriirno dhageystayaasheena. Qaabka ay dhegaystayaashu u helayaan wararka iyo waxa ku jira ayaa isbeddelaya.”ayey hadalkeeda ku dartay Liliane Landor.

BBC laanta la hadasha afafka dibeda ayaa hoos u dhac weyn sameyneysay sanadihii la soo dhaafay, waxaana ka mid ah kuwa hoos u dhaca laga dareemay laanta afka Soomaaliga oo dhegeystayaal badan weysay 10kii sano ee ugu dambeeyey.

Hoos u dhacan ayaa loo aaneynayaa Tiknolojiyada casriga ah iyo saameynta xooggan ee ay baraha bulshadu ku yeesheen caalamka, kuwaasoo inta badan laga helo warar ka deg deg ka badan warbaahinta kale, waxayna arrintaas hoos u dhigtay dhegeysiga idaacadaha iyo Telefishinada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -