Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan Xasan Faarax Salaad oo Muqdisho ku geeriyooday iyo Madaxweyne ka tacsiyadeeyay

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Xildhibaan Xasan Faarax Salaad oo ka tirsanaa Mudanayaasha Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle oo maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Xasan Faarax Salaad uu door muuqda kasoo qaatay aas-aaska iyo Dowlad dhiska Hirshabeelle isagoo muddo u adeegayay shacabka iyo dowladda.

Madaxweynaha ayaa si gaar ay ugu taciyeeyay Golaha Baarlamaanka Hirshabeelle ee uu ka tirsanaa, qoyskii, qaraabadii iyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuumka, waxaana uu alle uga baryay in Jannatul Fardawsa uu ka waraabiyo.

 

Related posts

Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Duleedka Muqdisho

Cabdi Cade

(Sawirro) Dagaal qaraar oo gobolka Ma’rib ku dhexmaraya Xuutiyiinta & ciidanka dowlada

Caydiid Ali

Madaxweyne Trump oo Hanjabaad culus diray xili xaalad adag ka jirto Mareykanka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---