Shir Wadatashi ah oo u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada oo furmay (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa maanta shir gudoomiyay kulan wada tashi ah oo u dhexeeya Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka XFS iyo Wasaaradaha Caddaaladda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Shirka oo u jeedadiisu ahayd dib u bilaabidda xiriirka wada shaqyan ee u dhexyeeyay Wasaaradda Caddaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS iyo Wasaaradaha Caddaaladda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka maadaama uu hakad ku jiray muddadii lagu guda jiray doorashada.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka XFS Marwo Mumino Sheikh Omar, Wasiirada Caddaaladda ee dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka, u qaabilsanaha Hay’adda UNDP Soomaaliya Jocelyn Mason iyo Xubno ka Socay howl galka Qaramada midoobay ee Soomaaliya UNSOM.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka XFS mudane Xasan Macalin oo Shirka furay ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay wada shaqaynta ka dhaxaysa Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka ee Dowladda Federaalka iyo Wasaaradaha Caddaaladda ee Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka

Wasiirka ayaa xusay in ay muhiim tahay in ay yeeshaan qorshe midaysan oo ku saabsan Hannaanka Cadaaladda iyo Asuubta si loo gaaro Caddaalad midaysan. Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in loo baahanyahay in la buuxiyo firaaqa si hore loogu socdo isagoo sheegay in ay muhiim tahay in ay hay’adaha Cadaaladda ay gaaraan goobaha laga xoreeyo kooxaha argagaxisada.

“Waxaa lagama maarmaan ah in ha’adaha caddalladda ay gaaraan goobaha la xoreeyo argagaxisada oo hadda ka socda deegaano kala duwan, si loo buuxiyo firaaqa, waana in aan iska waraysanna sida suurta galka ah ee loo buuxin karo firaaqaas” ayuu yiri wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macalain Maxamuud.

Dhanka kale, u qaabilsanaha Hay’adda UNDP ee Soomaliya Mr. Jocelyn Mason oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in horey loo dhaqaaqo lana xoojiyo wada shaqaynta Wasaaradda Caddaaldda iyo Arrimaha Dastuurka XFS iyo Wasaaradaha Caddaaladda ee Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka. Sidoo kale Mr. Jocelyn ayaa ballanqaaday in ay ka taageri doonaan arrimaha Caddaaladda iyo Asluubta.

Shirkaan oo ka qayb galayaan Wasaaradaha Caddaaladda ee dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda fedeaalka ayaa ah midkii ugu horreeyay ee ay yeeshaan Wasaaradda Caddaaldda iyo Arrimaha Dastuurka XFS iyo Wasaaradaha Caddaaladda ee dowladaha xubnaha ka ah Federaalka tan iyo intii ay shaqaynaysay xukuumadda Danqaran si ay iskaga kaashadaan howlaha hortabinta u leh Xukuumadda ee la xiriira Caddaaladda iyo Asluubta. Sidoo kale, shirka ayaa la filayaa in lagu falanqeeyo istraatiijiyadda ee caddaladda iyo asluubta.

- Advertisement -