Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Duleedka Muqdisho

Qarax Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goordhaw ka dhacay Duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan Koontaroolka Siinka dheer ay wax ku baaraan ciidanka Nabad sugida.

Sida aan Wararka ku heleyno gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay koontaroolka Siinka dheer gaar ahaan barta ay ciidamada ku diwaan galiyaan gaadiidka galaya Muqdisho ,waxaana gaarigan qarxay la sheegay in uu ka baxay dhinaca Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay qaraxan ninkii waday gaariga qaraxa laga soo buuxiyay , waxaa sidoo kale qaraxaasi ku dhaawacmay ku dhawaad 5-qof oo isugu jira ciidamo katirsan dowlada iyo dad shacab ah.

Al Shabaab ayaa durba sheegatay masuuliyada qaraxan ismiidaaminta ah ee ka dhacay Koontaroolka Siinka dheer, waxa ayna sheegeen Shabaab in qaraxaasi ku dileen kuna dhaawaceen askar katirsan ciidanka dowlada.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin qaraxan ismiidaaminta ah ee ka dhacay Duleedka magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa waqtiyada soo aadan in Wasaarada amniga iyo laamaha amaanka war kasoo saaraan qaraxan.

Ma ahan markii ugu horeesay oo Al Shabaab weerar ismiidaamin ah ku qaadaan koontaroolka Siinka dheer, waxaana goobtaan lagu baaraa gaadiidka soo galaya magaalada Muqdisho.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha qaraxan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirada Arimaha Gudaha iyo Ganacsiga oo maanta xilkooda la wareegay  (Daawo Sawirada)

admin

(Sawirro) Hogaamiyaha SSC oo kulamo kala duwan ka wada Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Al Shabaab oo beenisay War lagu qoray Wargeyska caanka ah ee La Repubblica

Cabdi Cade
Taboola Ads ---