(Sawirro) Dagaal qaraar oo gobolka Ma’rib ku dhexmaraya Xuutiyiinta & ciidanka dowlada

Dagaalka loogu jiro gacan ku heynta gobolka muhiimka ah ee Marib ee dalka Yemen ayaa sii xoogeystay, iyadoo 24-kii saac ee la soo dhaafay ay ku dhinteen 53 dagaalyahan oo isugu jira ciidamada taabacsan dowladda iyo fallaagada Xuuthiyiinta.

Kooxda Xuuthiyiinta ayaa isku dayaysa inay la wareegto gobolka saliidda hodanka ku ah ee Ma’rib.

“Fallaagadu waxa ay ku guuleysteen in ay xoogaa dhul ah ku qabsadaan dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay waqooyi-galbeed magaalada, laakin magaalada kama jirto wax khatar ah” ilo millatari oo taageera dowladda ayaa sidaasi sheegay.

Ilo-wareedka ayaa sheegay in 22 ka tirsan ciidamada dowladda oo ay ku jiraan shan sarkaal la dilay, iyadoo 31 ka tirsan fallaagada ay ku dhinteen dagaalka.

Xuuthiyiinta ayaan sheegin tirada askarta uga dhinta dagaallada kooxdu qaaddo.

Kooxdan oo ay taageerto dowladda Iran ayaa sanadkii 2014 la wareegtay gacan ku haynta caasimadda Sanca oo 120 km dhanka waqooyi kaga beegan Marib.

Luminta gacan ku heynta Marib ayaa dharbaaxo culus ku noqon doonta dowladda Yemen ee fadhigeedu yahay magaalada koonfureed ee Cadan iyo isbahaysiga Sacuudiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -