Allbanaadir.com
NEWS

Masuuliyiin safar dhulka ah uga baxay Baledweyn oo gaaray Buulo Burte (Sawirro)

Waxaa maanta safar dhulka ah ku gaaray magaalada Buulo Burte ee gobolka Hiiraan masuuliyiin katirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Hirshabelle, kuwaa oo ka baxay magaalada Baledweyne.

Masuuliyiintan ka baxay magaalada Baledweyne waxaa hoggaaminayay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan , waxaana safarka qeyb ka ahaa saraakiil iyo qaar kamid ah odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan.

Gaadiid kala duwan ay la socdeen masuuliyiinta iyo dadka kale ee la socday ayaa si nabbad galyo ah ku gaaray magaalada Buulo Burte ,oo muddo sannado ah u go’doonsaneed dagaalyahanada Al Shabaab ayna adkeyd in safar dhulka ah lagu tago.

Ciidamada dowladda iyo ciidamo maleshiyaad beeleed ayaa xoog kula wareegay deegaano badan oo kuyaalla gobolka Hiiraan, ciidankan ayaana go’doonka ka qaaday degmada Buulo Burte iyo deegaano kale oo katirsan gobolkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliiska Caalamiga ee Interpol oo 30-sano kadib Xafiis ka furtay Muqdisho

Cabdi Cade

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Caydiid Ali

Xaalad adag oo soo wajahday facebook & jirintaankeeda mustaqbalka oo laga deyrinayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---