Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska Caalamiga ee Interpol oo 30-sano kadib Xafiis ka furtay Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho 30-sano kadib laga furay xafiiska booliiska Caalamiga ee Interpol, waxa uuna xafiiskan cusub isku xiri doonaa booliiska Soomaaliya iyo booliiska Caalmiga ee ku sugan daafaha dunida.

Xafiiskan Muqdisho ka furatay Interpol waxaa si wadajir ah u furay taliye kuxigeenka ciidanka booliiska Soomaaliya Jeneral Sakiya Xuseen iyo Madaxa sarre ee hay’adda EUCAP Somalia Maria-Cristina Stepanescu.

Soomaaliya ayaa xubin ka ah booliiska caalamiga ee Interpol, waxaana 30-kii sano ee lasoo dhaafay aan shaqeyn xafiidskii Interpol ku laheyd Soomaaliya sababo la xariiray xaalada amaan ee dalka oon xasilooneyn .

Booliiska caalamiga ah ee dambiyada ee Inerpol  ayaa la aas aasay sannadkii 1923, Soomaaliya ayaana xubin rasmi ah ka noqotay Interpol sanadkii 1975, waxaana xafiiska Interpol Soomaaliya uu shaqeenayay ilaa 1991-dii .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamada Dhuusamareb oo xukun dil ah ku riday rag horey u dilay dhaqtar & Macalin

Caydiid Ali

Waalidiin Badan oo Farxad la Ilmeeyay markii ay arkeen Wiilashoodii ku maqnaa Eritrea

Cabdi Cade

Hirshabelle oo ansixisay magacaabista lix degmo oo cusub (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---