Faahfaahin: Dil naxdin iyo argagax leh oo ka dhacay xaafad ka tirsan Muqdisho

Guri ku yaalla degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay saacado ka hor dil naxdin leh ka dib markii wiil dhalinyaro ah uu halkaas ku dilay haweeney eedadiis aheyd oo la dhalatay aabihiis.

Marxuumad Maryan Maxamed Mahadalle ayaa u geeriyootay dhaawacyo halis ah oo ka soo gaaray toorey uu dhowr jeer ku dhuftay Yuusuf Muxudiin Maxamuud oo ah wiil ay eedo u tahay oo weerar ku soo qaaday.

Gacan ku dhiiglaha ayaa markii uu ku kacay falkaas argagaxa leh ka baxsaday goobta sida ay sheegeen dadka degaanka oo xaafada iskugu soo baxay dilka ka dib.

Meydka haweeneyda ayaa la sheegay in loo qaaday xarunta dembi baarista CID ee magaalada Muqdisho, waxaana boolisku ay isku dayayaan iney soo qabtaan gacan ku dhiiglaha baxsaday.

Wararka ayaa sheegaya in sababta uu wiilkan u dilay eedadiis ay tahay khilaaf adag oo la sheegay inuu kala dhexeeyey iyada iyo walaalkeed oo ah wiilka aabihiis, taasoo ku xambaartay inuu ku kaco falkan naxdinta leh oo si weyn looga hadal hayo Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -