Xaalad adag oo soo wajahday facebook & jirintaankeeda mustaqbalka oo laga deyrinayo

Shabakadda Facebook ayaa laga deyrinayaa mustaqbalkeeda, kaddib markii ay kor u kacday tirada dadka ka guuraya isticmaalkiisa, isla markaana ay si joogta ah hoos ugu sii dhacayso tirada dadka cusub ee ku soo biirayaa.

Shirkadda ayaa qiratay in sannadkan gudihiisa uu markii labaad hoos u dhacay dakhligeedu, kaddib hoos u dhicii saddex biloodkii hore ee 2022ka, ayaa saddex biloodkii labaad ee bishii Juun ku ekaa ay mar kale gashay hoos u dhac gaadhayey ku dhowaad 29 bilyan oo doolar, waxa aanay odorosaysaa in uu sii soconayo.

Facebook ayaa kor u socday tan iyo markii la aasaasay sannadkii 2004 kii, waxa aanu noqday shabakadda ugu ballaadhan baraha xidhiidhka bulshada ee adduunka oo dhan, laakiin labadii sanno ee u dambeeyey ayaa waxaa soo baxaysa inay waayeyso shacbiyaddeedii.

Dhalinyarada oo ahayd dadka ugu badan ee isticmaala Facebook ayaa sannadihii u dambeeyey ka guuraya. Da’da dhalatay intii u dhexeysay 1990 illaa 2010 kii, ayaa u badan dadka ka guuray, iyagoo  u wareegay shabakadaha cusub ee ay ‘TikTok’ ugu horreyso. Halka dadka da’doodu u dhexeyso 25-38 ay tiradoodu boqolkiiba 27 hoos u dhacday.

Xeerarka xakamaha iyo ilaalinta badan ee Facebook uu ku hayo waxyaabaha lagu baahiyo ayaa la filayaa in ay ka mid tahay sababaha hoos u dhaca, waxa kale oo ka mid ah muuqaallada kooban ee Tiktok ku caan baxay oo daawasho badan helay. Sidaas awgeed waxa ay Facebook ka fikiraysaa in dib ay u eegto qaabka ay ula macaamisho waxa lagu baahiyo, si ay u daba-qabatayso qulqulka macaamiisha ka sii dareeraysa.

Waxaa qoray
Kamaal Marjaan

- Advertisement -