Qoor Qoor oo la kulmay Dhalinyaro ka qeyb qaadatay Olalihiisa (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xalay Madaxtooyada KMG ee maamulka Galmudug kulan kula qaatay dhalinyaro kasoo jeeda deegaanada kala duwan ee Galmudug.

Dhalinyaradan u la kulmay Madaxweynaha ayaa u badnaa dhalinyaro si weyn uga qeyb qaadatay olalihii doorashada uu ku guuleestay waxa uuna uga mahad ceiyay dhalinyaradaasi garabkii ay ku siiyeen in uu guuleesto.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sidoo kale dhalinyarada kala hadlay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarka deegaanada Galmudug iyo sidii maamulka u noqon lahaa mid guuleesta oo gaara deegaan walbo katirsan Galmudug.

“Waxaan kulan la qaatay qaar ka tirsan Dhalinyarada deegaanada Galmudug waxaana kawada hadalnay si ay uga qayb qaataan hurumarka deegaanka iyo dib-u-dhiskiisa,Waxaan kula dardaarmay in ay la shaqeeyaan Maamulka si loo gaaro horumar iyo barwaaqo ayuu yiri”Madaxweynaha Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug oo Axadii lagu doortay magaalada Dhuusomareeb ayaa wada kulamo kala duwan uu la qaadanayo qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug iyo sidoo kale saaakiisha amaanka si maamulkiisa u helo taageero iyo kalsooni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -