Hormuud Salaam Foundation oo Abaal-marisay macalimiin ku guuleysatay tartan Quraan aqris (Sawirro)

Munaasabad ay si heer sare ah usoo agaasintay Muasasada Maahir kana dhacday hoolka beerta daaru salaam ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa abaalmarino kala duwan lagu gudoonsiiyey  macalimiintii kaaalmaha hore ka galay tartanka Quraanka macalimiinta oo ay ka qeyb qaleen in kabadan 150 macalin oo ka kala yimid guud ahaan gobolalada dalka.

Munaasabadan oo ay sanadkii lixaad oo xiriir ah taaba galineayso hay’ada Hormuud Salaam Foundation ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada sida macalimiin, culumaa’udiin ganacsato iyo qaariga weyn ee reer Masar Xasan Saalax, waxaana Kaalinta 1-aad galay Macalin Sayid Cali Maxamed Nuur oo lagu abaalmarey $5,000 (shan kun oo doolar) iyo shahaado Sharaf.

Gudoimiyaha Mu,asasada Maahir, Sh Cabadalla Caadle oo ugu horeyn ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in tartanka loogu talagalay in lagu dhiira galiyo macalimiinta Quraanka Kariimka.

Sheekh Axmed Sulub oo ku hadlayay Magaca Macalimiinta ayaa sheegay in Mu’asasada ay ku tilaabsatay guulo waaweyn maadaama ay meel isugu keentay macalimiinta oo ay tartansiisay isaga oo kaga mahad celiyay Hay’da HSF oo taaba galintiisa suuro galisey.

Ganacsade Sheekh Axmed Nuur Cali Jimcaale oo ka mid ahaa marti sharafta ka soo qeyb gashahay munaasabada oo meesha ka hadlay ayaa ka sheekeeyay heerarkii kala duwanaa ee lagasoo maray barashada quraanka kariimka isaga oo sheegay in lasoo maray xili aan la tixgalin jirin dadka barta quraanka kariimka iyo culuumta diinta.

Gudoomiyaha Hey’ada HSF Cabdulahi Nur Cismaan oo ugu danbeyntii ka hadlay marxaladihii uu soo maray qabashada  tartankan ayaa tibaaxay in ay ka go’antahay is garabtaaga macalimiinta Quraanka iyo dhiiri galintooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -