Dil saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Kooxo hubeesan oon wali heebtooda la garan ayaa saakay suuqa weyn Madiina ee kuyaalla degmada Wadajir, ku dilay nin dhallinyaro ah oo la sheegay in uu kamid ahaa ganacsatada Suuqaasi.

Ninka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Daahir Jugle ayaa lagu dilay goobtiisa ganacsiga, waxaana dilka kaddib goobta si degdeg ah uga baxsaday dhallinyarada dilka fulisay oo dhoor nin lagu sheegay.

Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa goobta dilku ka dhacay soo gaaray, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen baaritaano aan la ogeyn cida lagu qabtay iyo natiijada kasoo baxday.

Ganacsadahan saakay la dilay ayaa la sheegay in uu kasoo jeeday magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxaana horey Muqdisho loogu dilay  odayaal iyo dad kale oo kasoo jeeda Cadaado iyo Baxdo, lamana oga in dilkan daba socdo dilalkii horey u dhacay iyo in kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -