Puntland oo ka hor timid hanaanka Bixinta Qandaraaska Shidaalka Somalia (Akhriso)

Puntland ayaa si cad uga hor timid hanaanka Bixinta Qandaraaska Shidaalka Soomaaliya, waxayna ku sifeysay talaabooyinka ay qaadayaan guddi gaar ah oo la magacaabay oo howshan ku jiray mid sharci darro ah.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa laga digay in halis badan ay ka imaan doonto isku dayo ay Puntland ku sifeysay kuwa hareer marsan gabi ahaanba dastuurka iyo xeerarka Soomaaliya.

Puntland ayaa sheegtay inay dawladda Faderaalka deg deg badan oo sharci darro ah uu ku jiro, ayna doonayso hanaan aan sax aheyn, iyadoo aan laga heshiinin dhammaan saami qeybsiga Kheyraadka dalka.

Qoraalka Puntland ayaa lagu cadeeyey in aysan qeyb ka noqoneyn talaabooyin sharci darro ah iyo boob aan sharciyad heysan.

Qoraal Puntland oo ku soo baxay Luuqadaha Soomaaliga Ingiriiska, kuna socday shirkadaha Shidaalka iyo Beesha Caalamka ayaa lagu cadeeyey mawqifka Puntland waxaana qoraalka uu u qornaa sidatan hoose:-

- Advertisement -