(Daawo Sawirro) Baarlamanka Galmudug oo ansixiyey qodob Muhiim ah

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta xaruntooda magaalada Dhuusamareeb ku yeeshay kalfadhiga 5-aad kulankiisa 10-aad.

Kulanka uu Shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug Dr Maxamed Nuur ayaa ajandihiisu ahaay:

  1. Dooda & Ansixinta Warbixinta Xisaab-xir Sanadeedka 2020/ 2021.
  2. Xiritaanka Kalfadhiga 5aad ee Golaha.

Guddiga Dhaqaalaha, maaliyada Ganacsiga iyo warshadaha Baarlamaanka oo soo akhriyay Xisaab-xir sanadeedka Maaliyadeedka ee 2020/ 2021Galmudug , ayaa Warbixintooda la wadaagay Golaha Baarlamaanka

Dood iyo Falanqeyn kadib Xildhibaanada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xisaab-xirka 2020/ 2021.

Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Galmudug Dr Gacal ayaa ugu dambeyntii sheegay in Maanta uu xiran yahay Kalfadhiga 5-aad ee Golaha Baarlamaanka, Gudoomiyaha  ayaa Xildhibaanada kula dardaarmay mudada fasaxa Xildhibaanada ku jiraan in Xildhibaanada door weyn ka qaataan xoreynta Deegaanada Galmudug ee cadowgu kaga kusugan yahay.

“Waxaan bogaadinaynaa Wasaaradda Maaliyadda Galmudug oo Maanta ku guuleysatay in Baarlamaanka Galmudug ansixiyo Warbixintti Xisaab-xir Sanadeedkii 2020/2021. Wasaaradda ayaa qabatay hawl adag labadii sano ee lasoo dhaafay kana soo gudbisay Galmudug marxalad adag dhanka dhaqaalaha iyo amniga. Guul ayaan u rajeynaynaa Wasiir Farxaan iyo Wasaaradda Maaliyadda Galmudug” ayuu yiri Guddoomiye Gacal.

- Advertisement -