Allbanaadir.com
NEWS

Dal Yurub kuyaalla oo Muslimiinta kunool ugu baaqay in ay taageeraan Israel

Muslimiinta kunool caalamka ayaa intooda badan si weyn uga xumaaday xasuuqa ciidamada Yahuuda Israel ka wadaan magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxa ayna garab istaag u muujiyeen walaalaha reer Falastiin ee la xasuuqayo.

Waddamada reer Galbeedka ayaa dhankooda taageero iyo garab istaag u muujinaya Yahuuda Israel, waxa ayna cambaareeyeen kaliya weerarka Xamaas ku qaaday gudaha Israel kuna dileen dad ka badan 1,300 qof oo Yahuud u badnaa.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Jarmalka Nancy Faeser, ayaa ugu baaqday muslimiinta kunool dalka Jarmalka in ay cambaareeyaan weerarkii Xamaas ku qaaday Israel, waxa ay sidoo kale ku boorisay muslimiinta in ay garab istaag u muujiyaan Israel.

Nancy Faeser, ayaa sheegtay in kooxda Xamaas weerar khasaaro badan dhaliyay ku qaaday dhulka Israel, waxa ayna tilmaantay in muhiim tahay in garab istaag iyo taageero intaba loo muujiyo dadka Yahuuda.

Muslimiinta kunool dalka Jarmalka ayaa marar badan dhigay dibad-baxyo looga soo horjeeday xasuuqa Israel kawado magaalada Gaza, waxa ayna ciidamada Jarmalka xir xireen qaar kamid ah dadka dibad baxyada dhigayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somalia & Boqortooyada Sacuudiga oo ka wada hadlay arrimo la xiriira fududeynta..

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo War ka soo saartay dagaalkii ka dhacay degaanka Wisil

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Xulkii ugu dambeeyay Afrika oo boorsooyinkiisa ka xirxirtay Koobka Adduunka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---