Allbanaadir.com
NEWS

Toogasho lala beegsaday dad ajnabi ah oo ka dhacday Magaalada Macerata (Daawo Sawirro)

Nin hubaysan gaari uu watay rasaas kaga soo furay dad marayay wadada hareeraheeda magaalada Macerata ee bartamaha waddanka Talyaaniga

Toogashadan oo lagu dhaawacay illaa shan qof  ayaa waxa ay ka dhacday qeybo kala gadisan oo ka tirsan magaalada, oo ay ka mid tahay meel u dhaw xarunta tareennada laga raaco.

Maayorka magaalada ayaa fariin uu soo dhigay barta Twitterka waxa uu dadka uga digay in aanay guryaha ka soo bixin weerarka dhacay awgiis, kaasoo la rumaysan yahay inuu sii soconayo.

TV-ga Qaranka ee RAI ayaa sheegaya in dadka la weerraray ay yihiin dad muhaajiriin ah.

Rasaas ayaa laga maqlayay xaafadaha Via Splato iyo Via dei Velini ee magaalada, halkaasoo uu ka socday baaritaan ku aaddan dilka gabar 18 jir ah oo maydkeeda Arbacadii laga helay xaafadahaas.

Waxaa dilka gabadha loo soo xiray nin waddanka Nigeria u dhashay, iyadoo wararka gudaha laga helayo ay isku xiriirinayaan labada dhacdo.

Booliska ayaa wada baaritaano xoogan, waxaana loo malaynayaa in weeraradan ay salka ku hayaan jinsi naceyb.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hooyo dib u heshay 30 sano ka dib wiilkeeda oo la afduubtay isagoo yar (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada “Magaalada Cadaado oo lagu soo gabogabeyay tababar ay ay soo qaban qaabisay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somaliaya

admin

Al Shabaab oo Beyco la gashay 40-Hogaamiye Beeleed (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---