Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Deni & Catherine Signe Tovey? (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Hay’adda World Bank, oo ay hoggaaminayso Madaxa arrimaha Biyaha ee Koonfurta iyo Bariga Africa Marwo Catherine Signe Tovey.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wadashaqeynta, guud ahaan Mashaariicda kala duwan ee World Bank ka wado Puntland iyo gaar ahaan Mashruuca Biyoole oo uu bilowmayo wejigiisa labaad.

Waxaa Ka qeybgalay Kulanka xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland, La-taliyeyaal Madaxweyne iyo Madaxda World Bank heer Puntland iyo heer Soomaaliya.

Madaxa arrimaha Biyaha ee Koonfurta iyo Bariga Africa Marwo Catherine Signe Tovey ayaa sheegtay in heyadeedu sii xoojineyso Mashaariicda ay ka wado Puntland.

Related posts

Xildhibaannada labada Aqal oo ansixiyay dhismaha guddiga Doorashooyinka

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo Guddoomiyay shir arrimo muhiim ah looga hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Dal uu dhimasho badan ka geysanayo Coronavirus oo furaya tartamada K/Cagta

Caydiid Ali
Taboola Ads ---